Xavi Hernandez, tababaraha Barcelona, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay kooxdiisu ka gaartay Cadiz oo ay kaga badisay labo gool iyo waxba.
Labada waxaa ukala saxiixay cayaaryahanada kala ah, Sergi Roberto daqiiqadii 43aad, iyo Robert Lewandowski daqiiqadii 45 + 1.
Xavi ayaa yiri hadal uu soo xigtay wargeyska Isbaanishka ee Marca: “Waxaan ku badinay labo gool, sidoo kale Cadiz waxay abuurtay jaanisyo badan oo khatar ah dhamaadka ciyaarta, waan ku faraxsanahay firfircoonida ciyaarta, iyo inaanu shabaqayaga ilaa shano, wali waxaanu ku hogaaminayaan 8 dhibcood.”
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Ansu Fati waxa uu ku raaxaystay in uu ka garab ciyaaro Robert Lewandowski, Sergi Roberto iyo Frenkie de Jong. Waxa ay ahaayeen kuwo cajiib ah, qaybtii horena waxa ay ahayd mid cajiib ah”.
No comments:
Post a Comment